Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta gargaar lacageed guddoonsiiyay, Aabbe Cabdi Maxamed Xalane (Jimcaale Gaab) oo dhawaan gurigii ay dagganaayeen oo soo dumay ay uga dhinteen afar wiil oo kan ugu weyn uu jiray 15-sano.
Aabbe Jimcaale Gaab ayaa uga mahad-celiyay Duqa Muqdisho garab-istaaggii uu u muujiyay iyo taakuleyntii uu guddoonsiiyay, isagoo sheegay in garab istaaga iyo taakuleynta lacageed ee uu guddoonaiyay.
Waa markii labaad oo Aabbe Jimcaale uu la kulmo Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale waxaana kaalmada la guddoonaiiyay horay loogu xilsaaray Guddoomiyaha Degmada Shingaani, Aweys Camuudi iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Faysal Carraale.
Ugu dambeyn, Afarta wiil ee geeriyooday ayaa waxaa kusoo dumay guri qadiimi ah oo ku yaalla degmada Shingaani, kaasoo ay ku noolaayeen qoyskooda, waxa ayna tani keentay in cabsi badan laga muujiyo dhismayaasha gaboobay ee aan helin wax dayactir ah muddo dheer.













