SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Gudoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee degmooyinka Caasimadda

0
572

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoominayay shirka todobaadlaha ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, kaasoo todobaadkan loogu hadlay dar-dar-gelinta barnaamijka darisaynta Caasimadda, sare u qaadidda dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar, amniga iyo bilic soo celinta Caasimadda.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Syaasadda iyo Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ugu hoerreyn lagu amaanay isbeddelka dhinaca amniga ee ka jira Muqdisho, iyadoo la isla qaatay in dar-dar-gelinta barnaamijka dariseynta Caasimadda oo wax weyn ka taraya amniga iyo ka warqabka bulshada.

Sidoo kale, Waxaa lagu soo qaaday Sare u qaadidda dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar si adeegyada aasaasiga ah ee bulshada wax loogu qabto. Iyadoo la dar-dar-gelinayo barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) ee uu dhawaan daah-furay Duqa Muqdisho iyo in sare loo qaado hawlaha nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir in la xoojiyo wada-shaqeynta laamaha amaanka, la-dagaallanka maandooriyaha iyo in la gargaaro bulshada kuwooda nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here