Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Degmada Heliwaa kaga qaybgalay gellinkii dambe ee shalay kulan lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha nabad-galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda, taasina ay makhraati ka tahay in degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi-galinta iyo wada-shaqaynta bulshada ag oo muddo kor hor aanay suuro-gal ahayn.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo shacabka caasimaddu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hay’ada amniga.
Ugu dambeyn, Kulanka oo ay ka qayb-galeen wasiirro, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada-shaqaynta iyo dhago-nugaylka ay u yeesheen hay’adaha amniga, isaga oo shacabka degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo hay’adaha amniga Caasimadda si looga cirib-tiro haraadiga kooxaha Khawaarijta ah ee ku gabanaya xaafadaha.

















































