Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga waddanka Turkiya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Ankara, Mudane Mansur Yavaş kaddib Casuumad rasmi ah oo uu ka helay.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo agaasimaha xiriirka dibadda iyo hay’adaha caalamiga ee maamulka gobolka Banaadir, ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada magaalo iyo dib u soo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989-kii.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiya iyo hay’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.















