Waaxda Gadiidka Dowlada Hoose ee Xamar ayaa olole nadafadeed ka sameeyay degmooyinka Boondheere iyo Shibis, ololahan oo dib loogu soo celinayo bilcda Caasimadda.
Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar, Cabdulqaadir Axmed Maxamed ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan bilic soo celinta Caasimadda.
“Laamiyada waxaan ka qaadnay ciid aad u badan, kuwaasoo ay sababeen roobabkii dhawaan ka da’ay Muqdisho. Haatan waa nadiif labada laami, waxaana rajeynaynaa in shacabka degmadu ay qayb libaax ku yeeshaan nadaafadda degmooyinkooda,” ayuu yiri Agaasimaha Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xsmar.
Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa sheegay inay hawsha nadaafadeed ay kala qayb-qaateen maamullada degmooyinka Shibis iyo Boondheere, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in nadaafadda Caasimadda la iska kaashado.













