Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jumcaha ee Jimcaha maanta ah kaga hadlay qaraarkii xukuumadda ee la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay warbaahinta toos ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in qof walba oo hay’adaha DFS ka tirsan darajaduu doono ha lahaadee oo xada hantida dadweynaha, qaanuun ayaa dowladda uga dagsan, waxaana shacabka weydiisanaynaa inaan lasoo daba kicin.
Ugu dambeyn, Hafalka Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Golaha Wasiirrada Somalia ay ansixiyeen qaraar ilaalinaya hantida Qaranka, si aan loo musuqmaasuqin.













