Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa lagu meel-mariyey hindise sharciyeedka dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
Hindisaha-sharci ee dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo uu guddoomiyey wasiirka 1-aad ee xukuumadda Somalia, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga oo soo bandhigay halka dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta uu marayo iyo hawlgallada lagu xasillinayo dalka.
Ugu dambeyn, Shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo ka mid ah gobollada dalka.








































