Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta 10 neef oo geel ah ku wareejiyay wasiir u dowlaha Amniga agudaha, Maxamed Cali Xagaa.
Tobankan neef ee Geela ah ayaa loogu talo-galay ciidamada qalabka sida ee Somalia, sida uu sheegay guddoomiye Yuusuf Madaale.
Wareejinta deeqdan waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha booliiska Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo taliyaha qaybta guud ee Gobolka Banaadir ee Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka.














