Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Qaar ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka ah Qaba: SAWIRRO

0
696

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xubnaha uu la kulmay ka dhageystay cabashooyin ay qabeen, taasoo ku aaddanaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa, isla markaana ay xuquuq mushaar ugu heli lahaayeen maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, maadaama intooda badan ay joogaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa i ballan-qaaday xubnaha dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hawlgala degmooyinka gobolka Banaadir in ay heli doonaan xuquuq shaqaaleysiin si ay mushaar u helaan, isaga oo dhinaca kale kula dar-daarmay in ay doorkooda ka qaataan, isku xirka bulshada, wacyigelinta, dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here