Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaas oo kasoo shaqeyn doona Tira-koobka, Soo-celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka
Xubnaha Guddigaan ayaa waxaa ku jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaa kaloo ku jira wasiirro ka tisan xukuumadda DanQaran.
“Iyadoo laga duulayo Qaraarkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii, waxaan maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka, kaasoo ka hawlgeli doona soo celinta Hantida Qaranka, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in lagu fuliyo adeegyada bulshada ama in dowladdu ku fuliso shaqo Qaran,” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Xamse qoraal uu soo saaray.
Ugu dambeyn, Guddigan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay soo celinta Hantida Qaranka ee sida sharci darrada ah loo heysto iyo ka soo talo-bixinta nidaaminta Hantida Qaranka ee la soo celiyay.













