Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xad-gudubka Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiis ay Muuse Biixi la saxiixdeen, kaasoo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.
Madaxweynaha dalka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad xulka Galmudug lagu guddoonsiiyay koob, ayaa sheegay in heshiiska ay Itoobiya iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen uu yahay khatar weyn oo ku foogan Soomaalida, isaga oo sheegay in aan lagu kadsoonim wararka la sheegayo ee ku saabsan in waxa la kala saxiixday ay MoU ee uusan ahayn heshiis rasmi ah.
“Itoobiya waxa aan ku leennahay damaca kaaga jira inaad dhulkeenna qayb ka mid ah aad qaadato ka imow… markaas ayaan wadahadli karnaa… balse madaxa ayaan qori kaaga qabanayaa ee markaas kaddib ila hadal, suuragal ma noqonayso, mana yeeleyso Soomaaliya,” ayuu si kulul u yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa yiri: “Faraqa ayaan ku haysanayaa iyo faraqa ii daa dhexdooda heshiis kama dhasho… Shacabka Itoobiya waxba uma qabno, wax kasta waxa ku dheelaya waa nidaamka ka jira dalkooda… dhaqan dowladnimo iyo dhaqan derisnimo kama jiro Itoobiya, waxa aan leennahay u soo noqda dhaqammada wanaagsan ee adduunka.”

Waxa uu Madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa in 17 dal oo Afrikaan ah aysan bad lahayn, sidoo kalena aysan deriskooda kula dagaallamin inay badooda qayb ka helaan, taas badalkeeda ayuu sheegay inay badeecadahooda si nabad ah ugala soo degaan, sida nabad ahna uga dhoofsadaan wixii ay caalamka u iib-geynayaan.
“Xalka keliya ee aan ku wada-joogi karno Itoobiya waa inaan deris-wanaag ku wada-dhaqanno… haddii ay xal nacaan, innaguna xal ma rabno… maxaa naga ba’san?” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka mid noqon karto waddamada aan badda lahayn ee haddana heli kara dhaq-dhaaq dhanka badda ah, balse aysan iyadu go’aan ka gaari karin – sidii ay bad ku heli karaan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in Soomaaliya ay horay tabasho u qabtay oo ay Itoobiya xaq-darro uga haysatay dhul ballaaran… waxa uuna xusay in dhul kale ay naga damaaciso aysan ahayn mid maanta suuro-gal u noqon doonta.













