Kooxda Arsenal oo u muuqata inay xilli cayaareedkan ay seegayso hanashada koobka Premer League-ga, ayaa maanta marti u noqonaysa Nottingham Forest oo ay kulab adag ay kula cayaari doonto garoonka City Ground.
Kooxda Nottingham Forest ayaa kulamadii u dambeeyay natiijooyin wanaagsan ka keenaysay, si ay uga baxsato inay heerka labaad u laabato, iyafoo haddii maanta ay ka adkaato Arsenal ay taasi u xaqiijinayso kooxda Manchester City inay ku guuleysato koobka horyaalka Ingiriiska 2022/2023.
Manchester City ayaa Axadda Berri ah la cayaaraysa kooxda Chelsea oo ka mid ah kuwa ugu adag horyaalka Ingiriiska, haddii ay ka adkaan waydo waxaa mugdi galaya hanashadeeda koobka Premier League-ga.
Tababaraha Forest, Steve Cooper ayaa la filayaa in kooxdiisa ay ku cayaarto shaxda uu caanka ku yahay ee 3-5-2, taas oo u sahashay guushii ay ka gaareen cayaartii ay la yeesheen Kooxda Chelsea. Waxaana kulan la filayaa in Brenan Johnson oo ku jiray kaydka cayaartii Chelsea uu maanta safto.
Sidoo kale, Macalinka Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Oleksandr Zinchenko iyo William Saliba dhaawac ku maqnaanayaan inta xilli ciyaareedka ka dhiman, sidoo kale waxaa kooxda ka manaaq doona maanta, Gabriel Martinelli oo uu dhaawac kasoo gaaray kulankii u dambeeyay ee kooxda Brighton ay la yeesheen.
Booskii laacibka Martinelli waxaa gelaya cayaaryahan Trossard, isagoo weerarka ku wehelinaya Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus. Waxaana Arsenal ay doonaysaa inaysan ku dhicin mid la mid ah guuldarradii ku habsatay toddobaadkii lasoo dhaafay.
Cayaaryahannada Khadka dhexe Arsenal uga cayaari doona ayaa waxay kala yihiin; Jorginho, Partey, Granit Xhaka iyo Oliver Odegaard. Waxaa sidoo kale daafaca ka cayaaraya Kiwior iyo Gabriel Magalhaes, iyadoo Tierney iyo White ay ka cayaari doonaan garbaha daafaca.
Dhanka kale, labada kooxood ayaa waxa ay ku cayaari doonaan laba shax oo kala duwan. Kooxda Nottingham Forest ayaa waxay ku cayaari doontaa shaxda 3-4-2-1. Halka kooxda Arsenal ay iyana ku ciyaari doonto shaxda 4-3-3.
Ugu dambeyn, cayaarta dhexmari doonta maanta kooxaha Nottingham Forest iyo Arsenal FC waxaa garsooraya Anthony Taylor, waxaana ay ka dhacaysaa garoonka kooxda Forest ee City Ground, iyadoo cayaartu ay dhici doonto 7:30 fiidnimo xilliga Geeska Afrika.













