Duqa Magaalada Bolnes ee waddanka Sweden oo xaflad Sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho: SAWIRRO

0
329

Maamulka Gobolka Banaandir ayaa kulan sagootin ah xalay u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullaahi Aadan Cadaani, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay hawlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho.

Kulanka sagootinta ah waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka, taliyaasha qaybta guud ee Nabadsugidda iyo Booliiska Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha degmooyinka iyo agaasimayaal.

Duqa Magaaladda Bolnas ee Sweden Md. Cabdullaahi Aadan Cadaani oo kulankan ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Magaalada Muqdisho oo ay ka muuqato isbeddel dhan walba ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaa uu tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo cid kasta oo kaalin ka qaadanaysa dib-u-dhiska iyo xasilloonida Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here