SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Deegaanka Xasan Geeddi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
497

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Xasan Geeddi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa soo boqollaal shacab ah oo isugu jira; odayada dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Duqa Muqdisho, ayaa bulshada deegaanka ugu mahadceliyay soo dhaweynta diirran, isaga oo ku amaanay isku duubnida iyo sida ay isaga diideen in khawaarijta ay ku dhex-dhuumato deegaankooda. Wuxuuna ugu baaqay inay garab is taagaan ciidanka qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee iyagu hawlgallada sifeynta khawaarijta ka wada gobolka iyo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here