Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa si wadajir ah u soo xiray tababar muddo labo maalmood ah u socday maamullada degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Tababarkan oo la xiriiray hababka wax-tarka leh ee bixinta adeegyada bulshada iyo maareynta khilaafaadka ayaa waxa uu qayb ka yahay qorshaha adeeg daadajinta maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo inta uu socday tababarkan laga dooday sida ugu haboon ee loo xalin karo khilaafaadka ka dhex-dhasha bulshada iyo sida ay bulshada ku heli karaan adeegyada Dowladda Hoose.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kula dardaarmay madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaanada ay tababarkan ka qaybgalay in aqoonta ay barteen uu noqdo mid laga dareemo xarumaha degmooyinka si bulshada ay u helaan adeeg hufan oo wax-tar leh.





























































