Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay ayaa ka hadlay xaaladda barakacayaasha Soomaaliya, qorshaha Xalka-waara ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dajisan barakacayaasha.
Agaasimaha xalka-waara, ahna agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sahra Cabdi Maxamed ayaa maanta kulan la qaadatay la-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha, Robert Piper oo maanta dalka soo gaaray iyo madaxada hay’adaha caalamiga ee dalka ka shaqeeya.
Marwo Sahra Cabdi ayaa shirka ka jeedisay xog kooban oo ku saabsan Istiraatiijiyada Qaran ee xalka-waara (2020-2024).
Sidoo kale Marwo Sahra ayaa ka warbixisay xaalada barakacayaasha iyo dhibaatooyinka sababay barakaca oo ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha, sidoo kale waxaa sababa isbeddelka cimilada inuu sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuray.
La-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya tahay tan keliya ee adduunka oo dhan Istiraatiijiyadooda xalka-waara ay ku dhisan tahay qaab horumarineed, loona baahan yahay in gaargaarka bani’aadamnimo looga talaabsado horumar.
Intii uu shirku socday waxaa looga hadlay afar qodob oo aad muhiim u ah, kuwaasoo kala ahaa:
- Dar-dargalinta arrimaha hortebinta u leh dadaallada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.
- Qorshe hawleedka Xalka-waara ku saleysan ee Istiraatiijiyada Qaran oo loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo loo baahan yahay in lagu hirgeliyo mashaariic horumarineed.
- Isku xirka iyo kor-joogteynta shaqooyinka Xalka-waara ee deeq-bixyaasha, hay’adaha caalamiga, wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda.
- Dardargelinta hirgelinta Istiraatiijiyada Xalka-waara ee waddanka oo dhan.
Ugu dambeyn, La-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha ayaa booqan doono qaar ka mid ah maamul-goboleedyada si uu arko xaladda guud iyo hawlaha Xalka-waara ee Dowladda Soomaaliya ay ka wado maamuladaas.














