GUDDOOMIYE YABOOH: Waxaa innaga go’an in aan adeegyada asaasiga ah u daadajino shacabka Caasimadda: MUUQAAL

0
448

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay xiritaanka shir muddo saddex maalmoof ah uga socday Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay inay adeegyada asaasiga ah iyo kuwo dowliga ah ay u daadajiyaan shacabka caasimadda ku nool.

Sidoo kale, Mudane Yabooh ayaa khudbo uu xirtaanka shirka ka jeediyay ku sheegay in caasimadda dalka ay ammaan ahaan aad u wanaagsan yahay, ayna rajeynayaan inay kasii hagaagto.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horumarka Caasimadda uu yahay mid ay dani ugu jirto dhammaan magaalooyinka kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here