SAWIRRO: Agaasimayaal ka Qayb-galay kulan lagu soo bandhiyay Cilmi-baaris laga sameeyay Muqdisho

0
332

Agaaismaha Guud ee Qorshaynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdulqaadir Muxiyadin Axmed (Dalxa) iyo Agaaismaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Nuur Cusmaan Kaarshe ayaa ka qayb-galay madal ay hayโ€™adda Somali Public Agenda kusoo bandhigeesay natiijada cilmibaaris ay ka sameeyeen Gobolka Banaadir.

Cilmibaaristan ayaa waxa ay diiradda saaraysay laba qodob oo kala ah; adeeg bixinta/daadajinta iyo nidaamka canshuuraha dowladaha Hoose, gaar ahaan Muqdisho, iyadoo agaasimayaasha ay si toos ah uga jawaabayeen suโ€™aalo ay weeydiinayeen dadweynihii ka soo qayb-galay madasha.

Ugu dambeyn, Masโ€™uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ee joogay madasha ayaa bulshada ugu warbixiyay dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada ee uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qabto Caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here