SAWIRRO: Kulan looga hadlayay Horumarinta Magaalooyinka oo lagu soo gunaanaday Kenya: VIDEO

0
390
  • Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Musane Axmed Maxamed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta soo xiray shir muddo afar maalmood ah ka socday xarunta Kenya ee Nairobi, kaasoo looga hadlay horumarinta iyo dib u dhiska magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay Machadka Horumarinya ee Tokyo oo laga leeyahay dalka Japan iyo Bangiga Dunida, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala matalayay magaalooyinka; Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Garoowe. Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa shirka xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Muddadii uu shirkan socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray, maamul-wanaagga, dhismaha kaabayaasha aasaasiga ah ee bulshada iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida; waddooyinka, bullaacadaha iyo buundooyinka. Waxaa kaloo inta uu shirka socday madaxdii ka qaybgashay ay ku gorfeeyeen sida looga faa’iideysan karo mashruuca SURP ama Nagaad oo si isku mid ah uga socda magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintiibka hadlay xirtaanka shirka ayaa waxay qireen inay si hufan u lafa-gureen dhammaan qodobadii looga hadlay shirka, ayna u fulin doonaan sidii ay iskula go’aansadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here