Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Kulankan oo intiisa badan daarnaa soo dhaweyn iyo isbarasho, ayaa waxaa si horudhac leh loogu wadahadlay xoojinta wada-shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir, fulinta qorshayaasha hortabinta u leh labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka iyo dhismaha golayaasha Dowladaha Hoose.

















