Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa laga joojiyay inuu yimaado garoomada oo uu kooxdiisa hoggaamiyo, kaddib ficil aan la jeclaysan oo uu sameeyey kualnkii ay kooxdiisu la cayaartay kooxda Tottenham, markaasoo si khalad ah uu garsoore Paul Tierney hortiisa ugu dabaaldagay.
Jurgen Klopp ayaa waxa uu ganaaxan ku dhacay xilli kooxdiisu halgan weyn ay ugu jirtay inay soo gasho afarta kooxood ee ugu sarreeya horyalka Premier League-ga ee dalka Ingiriiska, isaga oo garoommada ka maqnaan doona labada kulan ee xilli cayaarwedkan uga harsan kooxdiisa.
Kulanka adag ee Sabtida ay kooxdiisu la yeelan doonto kooxda Aston Villa ayuu ka maqnaan doonaa tababare Jurgen Klopp, waxaana Liverpool maamuli doona Pepijn Lijndern oo ah kubxigeenka tababaraha, kaas oo labada cayaar ee u haray fariisan doona kursigii tababare Jurgen Klopp.
Tababare Klopp ayaa waxaa kale oo uu ka maqnaan doonaa cayaarta ugu dambeysa ee kooxdiisu ay la yeelan doonto kooxda Southampton, cayaartaas oo ka dhacaysa garoonka kooxda u laabanaysa heerka 2-aad ee horyaalka Ingiriiska.
Sidoo kale, Jurgen Klopp ayaa waxaa lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag 75,000 oo Gini ah, taasoo uu ku muteystay hadalkii uu ka sheegay warbaahinta caalamka ee uu ugu gafay garsoore Tierny.
“Sidee buu laacibkeenna Maxamed Saalax qaladka dusha uga saaray, inta goolka 3-aad uusan dhalin Spurs? Taariikh aan fiicnayn ayaa naga dhaxaysa Tirney,” ayuu yiri Tababar Klopp.
Waxa uu hadalkiisa ku daray. “Anigu ma garanayo waxa uu nagaga soo horjeedo garsoore Tierney, waxa uu noo sheegay in aanay wax dhibaato ah jirin, laakiin waa beentiis, sida uu aniga ii fiiriyo waan fahmi waayay.”
Tababaraha reer Jarmal ee Jurgen Klopp oo 55-jir ah ayaa yiri. “Dabbaal-degaygu waxa uu ahaa mid aan daruuri ahayn, waxa uu iska ahaa mid caadi ah, laakiin waxa uu igu yiri markii uu kaarka Jaallaha ah ii taagayay in aanu caadi ahayn.”
Ugu dambeyn, Kooxda Liverpool oo ka mid ah kooxaha ka dhex-muuqda horyaalka PL ee wadanka Ingiriiska ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad waxa ayna haysataa leh 65-dhibcood, halka kooxda ka horreysan ee ah Man United ay leedahay 66-dhibcood.













