Munaasanad Degmada Warta Nabadda loogu Sameeyay Xildhibaan ka tirsan Dalka Sweden: MUUQAALLO

0
376

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamud Warsame (Xaabseey) ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah xarunta degmada ugu sameysay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed C/llaahi Geedi Shadoor oo kamid ah xildhibaanada magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Munaasabadda oo ahayd ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa hadallo ka jeediyay xubno uu ka mid yahay xildhibaanka munaasabadda loo qabtay oo ka warbixiyay isbedellada iyo horumarka ka socda caasimaddda.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Feysal Carraale Afrax ayaa ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed in ay dalkooda hooyo maal-gashadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here