Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeyti) ayaa maanta daah furay Aqoon kororsi la xariira Maareynta Khilaafaadka, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Tababarada Dowlada Hoose ee Xamar.
Aqoon kororsigaan oo socon doona muddo 8 Maalin ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, Mas’uuliyiin ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir, Ururada Haweenka, Dhalinyarada, Odiyaal dhaqameed, Guddiyada Nabada ee Degmooyinka, Guddiga Khilaafaadka Maamulka G/Banaadir iyo Howlwadeeno kale.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/qaadir Muxiyadiin Axmed (Dalxa) oo furitaanka Aqoon kororsigaan ka hadlay ayaa sheegay in qeybaha ka faa’ideysanaya Aqoon kororsigaan ay dhamaantood yihiin kuwo Bulshada u adeega isla markaana loo baahan yahay in khilaafaadka bulshada ka dhex jira loogu gudbo wada-hadal iyo Isfahan.
Maareeyaha Machadka Tababarada Dowlada Hoose ee Xamar Cumar Faaruuq ayaa dhankiisa sheegay in Machadka uu Bulshada Gobolka Banaadir ka caawin doono sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta loogu adeegayo Shacabka, Mar welibana ay muhiim tahay in la is weydaarsado aragtida ku dhisan aqoonta si garaadka Bulshada loo dhiso, Waxaa uuna xusay in Tababarkaan ay muhiim u tahay Bulshada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed ayaa u rajeesay ka qeyb galayaasha Tababarkaan in wax badan ay ka faaideysan doonaan Dhanka Xalinta Khilaafaadka.














