Hay’adaha Samafalka oo dalbanaya lacag dhan 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah: SAWIRRO

0
387

Madaxa Hay’ada Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin iyo ku-xigeenka ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnnimo ee Soomaaliya George Conway, ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adannimo ee 2024.

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay isugu darsameen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.

Gudoomiye Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay ka walaacsan tahay xaaladda bini’aadamnimo ee kasii daraysa taas oo ay sababtay isbeddelka cimilada, iyadoo dowladda Soomaliya ay ka go’an tahay wax ka qabashada xaladdaas adag.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM, George Conway ayaa shirka ka sheegay in dhinacyada ka shaqeeya samafalka ay xoojin doonaan yool-ka-gaarista hawlaha socda, waxa ayna ka shaqayn doonaan natiijooyin wadajir ah oo gacan ka gaysan doono dhimista baahiyaha iyo khatarta.

Ugu dambeyn, Shirkan waxaa ka soo qayb-galay wasaaradaha gargaarka dowlad-goboleedyada Soomaaliya, hay’adaha ka shaqeeya samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here