Madaxweynaha iyo RW-ha Somalia oo ka hadlay faa’iidada ay leedahay cuna-qabateynta hubka ee laga qaaday Somalia: MUUQAALLO

0
301

Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW-ha dalka ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cuna-abateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uu uga qaaday Soomaaliya cuna-qabteynta hubka oo saarnayd dalkeena illaa 1992-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here