Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, si uu ugu kuur-galo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xilliyada habeenkii ah maadaama lagu jiro todobaadkii u dambeeyay Ramadaan, isla markaana ay bulshada isku diyaarinayaan Ciidul Fidriga.
Kormeerkan oo ay Duqa Caasimadda ku wehlinayeen Maamulka Degmada Xamar-weyne, saraakiisha laamaha amniga iyo xubno kale, ayuu guddoomiye Madaale ka soo dukaameystay mid ka mid ah goobaha ganacsiga ee suuqa Xamar-weyne, isaga oo xog-wareystay shacabka suuqaas u soo dukaameysi tagay iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaas oo ka warbixiyay isbeddelka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa Xamar-weyne.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa socod ku tagay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis halkaas, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray amniga Caasimadda.











































