Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kormeer ku tagay Degmooyin dhawr ah: SAWIRRO

0
569

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka uu Guddoomiye Madaale maanta ku tagay kormeerka ayaa kala ahaa: Boondheere, Howlwadaag iyo Waaberi, isagoo u kuurgalay xaaladaha Amni, Bulsho, Bilic iyo Nadaafad ee Degmooyinkas, maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Madaale ayaa kula dar-daarmay mas’uuliyiinta degmooyinka in ay dar-dargeliyaan hawlaha nadaafadda, bilicda iyo adeegyada kale ee loo hayo Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here