Mid ka mid ah Kooxaha ugu waaweyn Ingiriiska oo loo Saadaaliyay koobka Premier League-ga 2023/2024

0
442

Supercomputer ayaa saadaal aan rasmi ahayn ka bixiyay horyaalka Premier Legue-ga dalka Ingiriiska xilli-ciyaareedka dambe ee 2023/2024, waxa uu u sii saadaaliyay boosaska ay kala geli doonaan iyo waliba kooxda ku guuleysan doona horyaalka.

Kooxda Manchester City oo horyaalka PL-ga ee sanadkan ku guuleysatay ayaa isla sanadka dambe loo saadaaliyay. Waxaa kale oo boosaska hore ee kooxaha ay uga qaybgalaan koobka Champions League-ga Yurub loo kala saadaaliyay, Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester United. Waxaana booska laga saaray kooxda Newcastle United oo hadda kaalinta 3-aad ku jirta.

Horyaalka Ingiriiska oo ah midka aadka loo xiiseeyo caalamka ayaa marka uu billowdo illaa uu ka dhammaanayo waxaa la bixiyaa saadaalin kala duwan, waxaana inta badan ay saadaalintu u dhacdaa sida loo bixiyay.

Supercomputer-ka oo inta badan xilli ciyaareedkan ku adkaysanayay in kooxda Manchester City ay horyaalkan qaadayso, iyadoo xitaa Arsenal ay 8-dhibcood ku haysay hoggaanka horyaalka ayaa waxa uu hadda u jeedsaday xilli-cayaareedka soo socda iyo sida uu noqon doono.

Sidoo kale, Supercomputer waxa uu xusay in kooxda Manchester City ay markii 4-aad oo xiriir ah ku guuleysan doonto horyaalka Premier League-ga, balse ay Man United, Liverpool iyo Arsenal ay noqon doonaan saddexda kooxood ee soo raaca, halka Chelsea ay hoos uga dhici doonto tartanka Champions League-ga.

Dhanka kale, Tababare Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu 2023/2024 ka maqnaan doonto tartanka Champions League-ga, waxa ay ciriirsan doontaa kaalinta saddexaad oo ay ku xigi doonto Arsenal, waxaana kasii dambayn doonto Manchester United.

Ugu dambeyn, Sida saadaashan aan raamiha ahay lagu xuaay Kooxaha Chelsea iyo Newcastle waxay ka maqnaan doonan Champions League-ga, balse waxay kasoo muuqan doonaan tartanka Europa League-ga oo lagu diiwaan-gelin doono marka uu dhammaado xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here