Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre ayaa si wadajir ah garoonka kubadda cagta Eng. Yariisow Stadium ugu daahfuray Tartanka Kubadda Cagta Dugsiyadda Gobolka Banaadir.
Furitaanka Tartankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga XFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Bahda waxbarashada iyo taageerayaal isaga kala yimid degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.