Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.
Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday, qorayaal iyo akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.















