Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka iyo taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay ku-simaha wasiirka amniga gudaha, taliyeyaasha ciidanka booliska iyo NISA.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adaha amniga in ay dardar-geliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku carqaladeynayo ammaanka, ayna ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.
Ugu dambeyn, Mudane Xamsa Barre ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay daadinta dhiiga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.