Duqa Muqdisho oo Villa Hargeysa kula kulmay Gudiga Amniga iyo Arimaha Gudaha ee Baarlamaanka: SAWIRRO

0
311

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, guddiga amniga iyo arrimaha gudaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horreyn guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay xaaladda magaalada Muqdisho iyo hawlaha shaqo ee maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna kala hadlay qorshaha dhameystirka dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ugu baaqay dhameystirka dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here