Taliska Booliiska oo soo saaray Digniin ku wajahan Mooto Bajaajta aan diiwaan-gelinta marin: MUUQAAL

0
458

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ku wajahan Mooto Bajaajta aan soo marin nidaamka diiwaan-gelinta iyo midabeynta, iyagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay amar u qabaan inay qabtaan mootoiyinka sharciga baal-maray.

Afhayeen Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saladiiq Aadan Cali ‘Doonishe’ oo si kooban  ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u mahad-celinayaan wadayaasha Mooto Bajaajta iyo milkiilayaasha sidii ay ugu hoggaansamee amarkii lagu nidaaminayay mooto bajaajta ee ahaa inay maalin dhaaf u shaqeeyaan.

Sidoo kale, Afhayeenka Booliiska ayaa ku sheegay hadalkiisa in mooto bajaajta ay qayb weyn ku lahayd shilalkii ka dhacayay Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay, balse ay hoos u dhigayso shilalkan nidaamka loo sameeyay ee A-da yo B-da ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay caasimadda dalka ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay ka dhaceen 1,719 shil, iyadoo celcelis ahaan ay bishii dhaceen 143 shil, kuwaas oo 95 ka mid ah ay ahaayeen Bajaajta, waxaana ka dhashay buu yiri khasaare isugu bira, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here