Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa booqday hoygii uu deggenaa Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), isagoo saxiixay buuga tacsida ee marxuumka.
Duqa Muqdisho, Mudane Yuuauf Madaale ayaa qoyska iyo ehelka marxuum Jawaari mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa qayb ka ahaa booqasha hoyga Marxuum Jawaari isaga oo saxiixay buuga tacsida.















