Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe).
Guddoomiye Maxamuud iyo Afhayeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa yeeshay kulan gaar ah, guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaana kaga warbixiyay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jira si gaar ah xaaladaha abaarta, fatahaadaha, khataraha guud ee is-beddelka cimilada iyo sida ay hay’adda kaga qayb qaadatay ka jawaabista iyo Gurmadka Degdegga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa kaga mahadceliyay Soo dhaweynynta iyo wax ka ogaashaha hay’adda SoDMA iyo howlha ay ka qabatay dalka, Sidoo kalana ugu Hambalyeeyay SoDMA Sanad Guurada dib u soo celinta Sanad kadib.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed farriin ugu diray in la garab istaago Hay’adda SoDMA howlaha ay qabatay muddadii yareed ay jirtay iyo sida ay ugu soo baxday howlaha loo idmaday,
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu danbeeyn balan-qaaday in Golaha Shacabka ay si dhaw ula shaqeeyn doonaan hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed.














