Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qaybgalay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamud, kaas oo la xariira ka hortagga dhagarta Khawaarijta.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), xildhibaanno katirsan BFS, saraakiisha amniga madax kala duwan iyo qaybaha bulshada rayidka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin, ciribtirka muqaadaraadka, la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday ciyaal-weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.


























