MADAXWEYNE XASAN: Dalku wuxuu u guurayaa Nidaamyada Doorasho ee Dimuquraaddiga ah: MUUQAAL

0
422

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dalka uu u guurayo nidaam ay shacabka Soomaaliyeed kusoo xushaan cidda hoggaaminaysa, isagoo sheegay in meesha loo socdo ay tahay in dalkan ay ka qabsoomaan doorashooyin xalaal ah.

Madaxweyne Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in muddadii sannadka ahayd ee ay dowladdu jirtay ay qabatay hawlo badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin; in laga xoreeyay Khawaarijta deegaanno badan, welina uu dagaalku socdo. Sidoo kalena laga shaqeeyay hannaanka dayn cafinta oo muddo soo socotay haatanna meel gabo-gabo ah maraysa.

“Dalku waxa uu u baahan yahay dib u dhis iyo inuu soo kabto. Waxaas oo dhanna waxaa saldhig u ah in dalku uu leeyahay dowlad sal adag oo sharciyad ballaaran leh oo dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u metesha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in heshiikii ay gaareen Golaha Wadarashiga Qaran uu ahaa heshiis siyaasadeed, wixii ka dhiman oo sharciyad ah ayuu marayaa, mana ahan wax horay ka dhaqan-galaya. Waxa uuna xusay inay go’aansadeen inay talada u soo celiyaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here