Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Tayyip Erdohan ayaa mar kale loo doortay madaxweymaha Turkiga, sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo ay dowladdu maamusho, waxa uuna helay 52.2%, kaddib markii la tiriyay 97% sanaadiiqdii codadka lagu dhiibtay.
Erdogan ayaa 14-kii bishan May ku guul-darreystay inuu helo codad ku filan si uu mar kale xafiiska u qabto, balse maanta oo la qabtay doorashadii ku celiska ahayd ayuu guuleystay, waxaana murashaxii tartanka kula jiray ee Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.8% codadkii doorashadii maanta.
Guddiga doorashooyinka Turkiga weli kuma dhawaaqin natiijada doorashada, mana aysan xaqiijin in Erdogan uu mar kale guuleystay iyo in kale.
Guusha Erdogan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in 69-jirkan uu dalka sii xukumayo 5-sano ee soo socota, taasoo inta uu dalka Turkiga xukumayo ka dhigaysa 25-sano oo xiriir ah, laga soo billaabo markii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga illaa hadda oo uu Madaxweyne yahay.
Sidoo kale, Erdogan ayaa doorashadii tan ka horreysay helay codad gaaraya 49.52%, halka musharraxa maanta la tartamay ee Kilicdaroglu uu helay 44.88%, taasoo keentay in doorasho ku celis ah ay maanta labadooda ku tartamaan.
Dhanka kale, Guusha Erdogan ayaa waxaa la sheegay inuu kaalin weyn ku lahaa mid ka mid ah kooxihii mucaaradka ahaa ee ka qaybgalay doorashadii hore, kaasoo galay kaalinta saddexaad, waxaana codadkiisii uu ku wareejiyay dhanka Reccep Erdogan.
Ugu dambeyn, doorashadii hore xisbiga AK Party oo uu madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan hoggaamiyo wuxuu ku guuleystay aqlabiyadda baarlamaanka, kaddib markii uu helay 323 kursi oo ka mid ah 600 ee kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Turkiga.













