Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Zope ee magaalada Muqdisho.
“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska oo la hadlay warbaahinta.
Qoraal kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 barqanimo, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waaxda Jeneral Daa’uud, agagaarka laami-yaraha Zobe lagu dhaawacay Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo 23 jir ahaa wadena ka ahaa mooto Bajaaj M9C 398, waxaa la sheegay inuu deggenaa degmada Warta Nabadda, waxaana gargaar caafimaad u fidiyay ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, dhallinyarada wada mootooyinka Bajaajta oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda inay xakameyso ciidanka dilalka u geysanaya wadayaasha mootooyinka.













