Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magaalada Manama-Baxreyn kula yeeshay kulan Madaxweynaha Dalka Ciraaq: SAWIRRO

0
286

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay madaxweynaha dalka Ciraaq, mudane Abdul Latif Rashid.

Labada mas’uul ayaa ka hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

Sidoo kale, Kulanka ayaa diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here