Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha dugsiga farsamada gacanta oo laga hirgalin doonno degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka danta-yar.
Munaasabadda dhagax-dhiga dugsigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, safiir ku-xigeenka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Armaan Ardoga, maamulka degmada Wadajir iyo xubna ka socday hay’adda SAFA oo fulinta mashruucan qayb ka ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada farsama gacanta ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu dal ku horumaro, isla markaana uu maamulka gobolka dhiirri-galin doonno howlaha farsamada gacanta.

















