Xubno Madasha Wada-tashiga Qaran ka tirsan oo Munaasabad Sagootin ah loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose: Sawiro

0
463

Munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira oo maalmahaan uu shir uga socday Magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan.

Casho-sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ah; madaxweynayaasha kala ah: Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo Galmudug ah, Cabdicasiis Xawan Maxamed oo Koonfur-galbeed ah, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo Hirshabelle ah iyo Axmed Maxamed Islaam oo Jubbland ah. Waxaa kaloo jooga guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Dhanka kale, waxaa mas’uuliyiinta qaybta ka ah munaasabadda ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uuna faahfaahin dheeri ah ka bixin doonaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran, kaasoo la filayo inuu noqdo mid jiheeya mustaqbalka dowladnimo ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here