Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta daahfuray qorshaha faya-dhowrka caafimaad dowladda Hoose ee Xamar, Bad-Qabka dadka u adeega Bulshada iyo Bixinta Buuga Caafimaadka.
Xafladda lagu daah furayay qorshahaan oo ka dhacday Hotelka Decale ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro ka tirsan xukumadda federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Agaasimeyaal iyo Bahda Caafimaadka.
Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in qorshaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu gol-leeyahay sidii loogu shaqeyn lahaa Badqabka Bulshada, isla markaana loo tayeyn lahaa Faaya-dhowrka iyo Caafimaadka Bulshada Gobolka Banaadir.














