Guddoomiye Amiir oo Xarigga ka jaray Suuq Casri ah oo laga Hirgeliyay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
269

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xarigga ka jaray dhismaha Xamar-weyne Mall oo ah suuq casri oo laga hirgeliyay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in suuqan casriga ah uu qeyb ka qaadan doonno horumarka ganacsiga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaa maal-gelinta dalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in suuqan uu wax badan kusoo kordhinayo bilicda iyo horumarka caasimadda dalka, waxaana munaasabadda goobjoog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, guddomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Iyo wacyigelinta maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo marti sharaf kale.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo kordhayay suuqyada casriga kuwaas oo qayb ka qaatay bilicda caasimadda, isla markaana ay bulshadu ka heleen adeegyo aan horay waddanka u oolli jirin, si aad ah ayaana looga adeegtaa suuqyadan casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here