Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud Iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir oo Magaalada Istanbul kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Midowga Magaalooyinka Dalka Turkiga iyo Dunida

0
200

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble ayaa Magaalada Istanbul kulan kula qaatay xoghayaha guud ee Midowga Magaalooyinka Dalka Turkiga iyo Dunida oo markii magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ( TDBB).

Kulankan ayaa looga hadlay sidii Dowlada Turkiga ay u sii xoojin laheyd mashaariicda horumarineed ee laga fulinaayo Magaalada Muqdisho si Caasimadda ay usoo ceshato maqaamkii ay ku laheyd Caalamka,

Xoghayaha Guud ee Midowga Magaalooyinka Dalka Turkiga iyo Dunida oo markii magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ( TDBB) ayaa balan qaaday in dowladaha hoose ee Turkiga ay taageeri doonan barnaamijkayada lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho islamarkaana ay kala hadli doonan wadada xiriirka kala dhaxeeya dalka Turkiga sida ay kaalin uga qaadan lahaayeen dib udhiska Caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa maalmaha soo socda kulama la qaadan doonan qaar kamid ah madaxda kala duwan ee Dowladda Turkiga si ay ugala hadlaan horumarinta Caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here