Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi heer sare ah oo ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran; Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga inay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.
Wefdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa wefdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.
Wefdiga ALECSO ayaa sharaxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Soomaaliya ayaa Beri-samadadkii ahayd xubin firfircoon oo door muuqda ku lahayd Jaamacadda Carabta, balse sannadihii la soo dhaafay waayihii colaadaha ay kaalintaas hoos u dhacday, balse ay hadda dib u soo ceshanayso kaalinteeda iyo doorkeedii muhiimka ahaa ee ururka, taas oo marag-ma-doon u ah dedaallada socda ee xoojinta xiriirka caalamiga ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ku xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada, iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.