Duqa Muqdisho oo kula kulmay Aqalka Dowladda Hoose Danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya: SAWIRRO

0
341

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane İbrahim Mete Yağlı, uguna hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi karin abaalka uu Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaana u rajeeyay shacabka iyo Dawladda Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Sidoo kale, Danjie İbrahim Mete Yağlı ayaa ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, isaga oo sheegay in talaabadaas ay ka turjumeyso xariirka walaalnimoee ka dhaxeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu danbeyn, Guddoomiye Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjire Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wadahadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dar-dargelinta mataaneynta Muqdisho iyo Magaalooyinka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada-qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here