GUDDOOMIYE YABOOH: Mas’uuliyiin iyo Shaqaale ayaa la badbaadiyay

0
353

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka hadlay weerarka ay kooxaha argagaxisada ah ku qaadeen xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddooniye Yabooh ayaa sheegay in la soo badbaadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, welina uu socdaan hawlgallo ka dhan kooxihii weerarka ka dambeeyay.

“Alle ayay mahad oo dhami u sugnaatay dhammaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa lasoo badbaadiyay, welina waxaan ku jirnaa howl-galka,” ayuu guddoomiye Yabooh ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka socda, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo.

Ugu dambeyn, Weerarkan ay khawaarijtu la beegsadeen xarunta gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo dhawaahana ay deegaanno kala duwan oo dalka ah ka socdaan dagaallo lagu soo afjarayo qorshayaashooda gurracan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here