Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka G/Banaadir oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Danjiraha Finland u jooga Somalia

0
357

Agaasimaha waaxda xariirka Arrimaha Dibadda iyo Hay’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Xasan ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho ku-xigeenka Danjiraha Dowladda Finland ee Soomaaliya Johanna Jokinen, waxaana kulanka loogu hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, kulanka ayaa loogu hadlay fulinta Mashaariic Horumarineed iyo mid aqoonta lagu horumarinayo oo ay Dowladda Finland horay u ballan-qaaday taasoo ay ugu horreyso tababbaridda shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo in Maamulka Gobolka Banaadir laga taageero xasilloonida Muqdisho iyo qabashada doorashooyinka Golaha deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here