Xujeydii ugu horreysay oo Maanta ka Ambabaxay Garoomada Muqdisho iyo Hargeysa: SAWIRRO

0
436

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhoofay xujeydii ugu horreysay oo Soomaaliyeed, kuwaasoo nasiub u yeeshay inay sannadkan gutaan acmaasha Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka, qof oo muslim ah ee awoodana laga doonayo inuu la yimaado hal jeer noloshiisa.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Mudane Mukhtaar Rooboow Cali ayaa Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay oo 422 xaaji, waxaana sidoo kale magaalada Hargeysa ka baxay – 165 xaaji, waxaana sagootinta xujeyda ka baxay Muqdisho goobjoog ka ahaa; Wasiirka caafimaadka, Mudane Cali Xaaji, agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta, guddoomiyaha shirkadaha adeega xajka sanadkan iyo wakiillada shirkadda diyaaradaha ee Daalo Airlines.

“Waxaan ku faraxsannahay in maanta aan sagootinayno xujeydii ugu horreysay ee ka ambabaxaya Muqdisho, kuwo kalena waxa ay bixi doonaan maalmaha soo socda. Waxaan Alle SWT uga baryayaa dhamaan xujeyda ka baxaya sanadkaan dalka oo dhan inuu acmaasha ka aqbalo,” ayuu yiri wasiirka Awqaata Soomaaliya oo warbaahinta si kooban ula hadlay.

Ugu dambeyn, Xujeyda ka baxay Muqdisho iyo Hargeysa ayaa waxay tiradoodu isku noqonaysaa 587 Xaaji, kuwaasoo loogu diyaariyay dalka Sucuudiga hoy ay dagaan, waxaana sanadkan hoos loo dhigay lacagihii lagu aadi jiray xajka oo aad u badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here